War Deg Deg:-Bajaajle Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goordhaweyd Darawal mooto Bajaajle ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka Degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in askariga uu si bareer ah xabadda ugu dhuftay darawalka islamarkaana isagoo dhiig baxaya uu mootadda kasoo jiiday laamigana soo dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in askariga dilka geystay uu goobta si Nabadd ah ugu sugnaa.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan darawaladda Mooto bajaajka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here