Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maalintii seddexaad oo xiriir ah ka soconayo shir u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda Federalka Somalia iyo madaxda dowladd goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa ah mid lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Somalia waxaana qeyb ka ah madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo, Ra’iisul wazaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Madaxda shanta dowlad goboleed ee dalka iyo gudoomiyaha gobolka banadir Eng Cabdiraxman cumar cisman yariisow.
Siyaasiyiinta soomaalida iyo dadka u dhuun daloola siyaasadda Somalia ayaa shirkan ka qaba aragtiyo kala duwan waxa ayna bixinayaan talooyin iyo dardaaran ay siinayaan Dowladda Federalka Somalia iyo madaxda Dowlad goboleedyada.
Marwo Xaawa Cabdullahi Qayaas oo xubin ka aheed baarlamaankii siddeedaad ee dalka ayaa madaxweynaha Somaliya kula talisay inuu sameeyo tanaasulid si looga gudbo caqabada hadda taagan.
Waxa ay intaas sii raacisay in dowlad goboleedyadu ay xaq ku leeyihiin dalka islamarkaana aysan soconeen in si qasab ah la iskugu dayo in lagu maamulo.
Ex- xildhibaanad Xaawa Cabdullahi Qayaas ayaa dhanka kale uga mahad celisay madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Dani sida wanaagsan ee uu u marti geliyey shirkan, waxaana ay dhinacyada ka qeyb galayo kula talisay in guul lagu soo dhameeyo shirka, la isku tanaasulo islamarkaana go’aan mideysan min raas kambooni ilaa raas caseyr laga soo saaro.
Shirkaan u dhaxeeyo madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa dowladd goboleedyada ayaa axaddii ka furmay magaalada Garowe, walina majiro qodobo ay dhinacyadu isku raaceen oo kasoo baxay shirkan.

