Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka Cabanaya Mushaar La’aan

0

Ciidamadda police-ka ee ku sugan gobolka bakool oo hoostago dowlad goboleedka Koofur Galbeed ee Somalia ayaa ka cabanaya mushaar la’aan soo food saartay bilihii dambe.

Taliyaha police-ka degmada xudur ee gobolka bakool Xuseen maxamed ahmed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ciidamadu aysan wax mushaar ah qaadan muddo dhan 4 bilood.

Waxa uu xusay in mushaar la’aantu sababtay in guryaha lagala baxo ciidamada islamarkaana ay awoodi waayeen bixinta kirada guryaha iyo nolosha reerahooda.

Taliyaha ayaa intaas sii raaciyey in ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadan islamarkaana aysan awoodin afurka oo ay u baahan yihiin in wax laga qabto xaaladdooda.

Sida uu sheegay taliyaha dowladda Somalia ayaa la socoto xaaladda ciidamadan mushaar la’aanta ka cabanaya ee ku sugan gobolka Bakool, waxa uuna dowladda ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban xaaladdooda.

Dhanka kale Taliyaha police-ka degmada xudur ee gobolka bakool Xuseen maxamed ahmed mar uu ka hadlayey amniga gobolka Bakool ayaa waxa uu sheegay in ciidamo badan lagu soo daadiyey gobolka kadib markii ay dagaalyahanada Al Shabaab dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen gobolka.

Cabashada ciidamadaan ayaa imaaneysa iyadoo bilo kahor ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan gobolada Sh. Hoose iyo Sh. Dhexe oo ka cabanaya mushar la aan ay isaga soo baxeen fariisimo ciidan ay ku lahaayeen goboladaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here