Dagaallo Qasare geystay oo ka dhacay Gobolka Sool.

0

Dagaaladan oo u dhexeeyey Ciidamo kala taabacsan Maamulada Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa barqadii Maanta waxaa uu ka dhacay Deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanada Saax-dheer,Balli-harac,Wirwir iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool,waxaana uu yimid dagaalku kadib Markii Ciidama Ka tirsan Maamulka soomaaliland sida la sheegay ay weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidanka Maamulka Khaatumo ay ku lahaayeen deegaanada dagaaladu ay ka dhaceen Maanta.

Ciidanka Soomaaliland ee weerarka qaaday ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay u sheegeen Radio Simba in ay dagaal Culus ay la galeen Ciidanka Khaatumo oo iyagu la sheegay in ay ka war hayeen Weerarkaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga inta uu le’egyahay qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi maanta dhaxmaray Ciidamada Maamulada soomaaliland iyo Khaatuma

Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa lagusoo Waramayaa in hadda ay ka jirto Xaalad kacsanaan ah dhinacyadii dagaalamayna ay wali is hor fadhiyaan.
Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Maamulka Khaatuma State Abshir C/casiis oo isagoo siduu sheegay ku sugan deegaanka Saax-dheer la hadlay Radio Simba ayaa xaqiijiyey in dagaalku uu jiro islamarkaana aysan hubin qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi.

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayuu sheegay in ay si bareer ah usoo weerareen deegaanno ay ku sugnaayeen Ciidanka Maamulka Khaatuma iyaguna ay iska difaaceen dibna ay u celiyeen,Waxaana uu intaasi ku daray in deegaanadii lagu dagaalamay ay gacanbta ugu jiraan Ciidankooda.

Maalmihii dambe waxaa xaalad daganaansho ahi ay ka jirtay deegaanda ay isku haystaan maamulada Maanta Maleeshiyaadkoodu ku dagaalameen gobolka Sool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here