Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn uu Ku Dilay Xubno Xarakadda Shabaab Ka Tirsanaa

0
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn axaddii ay ka fulisay gobolka Sh. Hoose ay ku dishay seddex dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Africom duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Tooratoorow oo dagaal uu ku dhex maray ciidamada Danab iyo dagaalyahanada Al Shabab.
Africom ayaa sheegtay in duqeyntan aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, oo uusan jirin qof shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan, waxaana ay intaas sii raacisay in ay wali socdaan baaritaanada weerarkan.
Duqeyntan ayaa ah tii labaad ee uu Mareykanku fuliyo labo toddobaad gudahood waxa uuna tilmaamay in duqeyntan ay ka hortag u aheyd weeraro ay qorsheeynayeen dagaalyahanada Al Shabab inay ka fuliyaan gudaha Somalia.
Mareykanku waxa uu sidoo kale sheegay inuu sii wadayo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahanada Al Shabab, islamarkaana ay qeyb ka tahay taageerada uu siinayo dowlada Federal-ka Somalia.
 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here