Taliska Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA),ayaa soo bandhigay sawiradda labo sarkaal ay sheegeen in ay kasoo goosteen Xarakadda Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegy in ragaan ay kamid yihiin 9-sarkaal oo isku dhiibay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.
Labadda Sarkaal ee isku soo dhibay Dowladda ayaa shabaab u qaabilsanaa maktabka Dacawada Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba).
Mudooyinkii dambe dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa isku dhiibayay dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

