War Deg Deg:-Ardey Goordhaweyd Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa uu ku dilay wiil dhalinyaro oo ardey ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabakaayo madow dhanka Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qof goobjooge ah ayaa idaacadda Simba u sheegay in askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda oo ku sugnaa isgoyska uu ardeyga dilay.

Waxa uu sheegay in ardeyda uu dhiganayay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaala Magaaladda Muqdisho,waxaana magacaiisa lagu sheegay C/raxmaan ismaaciil Cali.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Jaamacadda uu dhiganayay ay goobta yimaadeen balse loo diiday meydkiisa in ay qaataan,sidoo kalana uu hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka isgoyska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here