Al-Shabaab oo Dilay Abaandulayaal Ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya

0

Al-shabaab iyo ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya ayaa galabta ku dagaalamay deegaanka Yaaqle ee Duleeedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa deegaanka weerar ku qaaday,waxaana ku sugnaa Ciidamo ka Tirsan Malatariga Soomaaliya.

Dagaalka ka dhacay  deegaanka yaaqle ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Malatariga Soomaaliya.

Sida Shabaab ay sheegeen waxaa dagaalkaan lagu dilay Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle dhexe Cali Caliif ahaana ku simihii taliyaha guutada labaad iyo Ku xigeenkiisi oo magaciisa lagusoo gaabiyay C/Kariim Hilowle.

Dhanka kale Maamulka Hir-shabeelle ayaa guul ka sheegtay dagaalka ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Duleedka Degmadda Balcad.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daud Haji Cirro oo ka hadlay howlgalo ka dhacay duleedka degmada Balcad ayaa sheegay in howlgalka guulo laga gaaray.

“Howlgal ka dhacay Deegaanada Shanlow iyo Yaaqle oo hoostaga Balcad, waxaan ku dilnay 13 katirsanaa Al shabaab, waxaana ku soo furanay 16 qoray” ayuu yiri Afhayeenka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here