Hay’adaha Amaanka oo Fashiliyay Qarax Ka Dhici Lahaa Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka ay xalay fashiliyeen gaari caasi ah oo qarax laga soo buuxiyay kaasi oo la doonayay in Magaalada Muqdisho lasoo galiyo.

Taliyaha 12-ka Apriil ee Ciidanka Xooga Dalka Generaal Tawane Axmed Maxamed  oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Xaawa cabdi ee duleedka Muqdisho oo ah halka gaariga lagu qarxiyay ayaa sheegay in Gaariga uu ku qarxay hareeraha laamniga mana jirin cid waxyeelo ay soo gaartay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadda amaanka ay heleen xogta ku aadan gaariga qaraxa ayna joojiyeen waxaana durbadiiga gaariga ka degay darawalkii waday oo ahaa qof keliya ee gaariga waday wuxuuna ku cararay dhul hawd ah.

Dhinaca kale taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Ameeriko oo la hadalayay Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada BooliskaSoomaaliyeed ayaa kula dar daarmay in si xooggan looga shaqeeyo  baraha koontaroolada iyo saldhigyada si loo sugo amniga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here