Shirkii Kismaayo oo Maanta Si rasmi ah u Furmay.

0

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Wararka Ka imaanaya Waxaa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu si rasmi ah uga Furmay Shirka lagu go’aaminaayo Nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in goobta uu shirku ka dhacayo aysan ku sugneyn Matalayaashii beesha Caalamka ee lagu Casuumay ka qeybgalka Shirka taasi oo ilaa iyo hadda ay dad badani isweydiinayaan.

Waxaa warar hoose ay sheegayaan in Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Ethiopia Mr Tedros iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan beesha Caalamka ay uga laabteen Magaalada Kismaayo iyo ka qeybgalka Shirkaba Sababo la xariira baaqashada Shirka oo muddo 4-Maalin ah isagu dib u dhacay kadib markii madaxda Sare ee Dalku aysan Xaadirin Madasha Shirka waqtigii shirku Furmilahaa taasina ay keentay in madaxda Beesha Caalamku ay Caroodaan Maanta Xubno Soomaali Soocan ah ay shirka yeeshaan iyadoona natiija ahaan rajada shirku aysan badnayn.

Kismaayo oo uu maanta Shirkaasi ka furmay durbaba waxaa kasoo baxaya aragtiyo aad u kala fog iyo kala ra’yi duwanaansho ku aaddan nuuca doorashada iyo qaabka loo marilahaa qodobbo kasoo saaridda shirka doorashada lagu go’aaminaayo.

Furmashada Shirka ka hor waxaa kulamo gaar gaar ah iyo is xulufeysi ay ka socdeen Magaalada gudaheeda Kuwaasi oo ay kala wadaan Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira oo mid kastaahi uu u ololeynaayo sidii doorashada Dalka ka dhacaysa loogu dabaqi lahaa nuuca isagu uu rabo.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa Hogaamiyayaashoodu waxaa ay qaateen Xalay ilaa galinkii hore ee Maanta Kulamo gaar u ah oo ay uga hadlayan sidii ay u meelmarinlahaayeen fikirkooda ku aaddan nuuca doorashada ee dalka ka dhacaysa Sannadkan 2016.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here