Shirkii Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo Garoowe Ka Furmay+Sawirro

0

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa goordhaweyd ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda dalka jira.

Shirkaan waxaa furay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo),waxaana ka qaybgalaya Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxda Dowladd Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubba-land Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ,Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay oo lagaga hadlayo Xaalada Siyaasada dalka waxaa lagaga tashanayaa sidii looga wada hadli lahaa kala aragti duwanaanta ka jirta Siyaasada dalka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here