Al-Shabaab oo Jidka u Galay Ciidamo Mareykan iyo Kuwa Dowladda

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay lagu weeraray Duleedka Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa jidka u galay labadda ciidan,waxaana la sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan.

Al-Shabaab warar ay ku qoreen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ciidamadda Mareykanka iyo Dowladda jab la gaarsiiyay,islamarkaana ciidamadda Shabaab uusan khasaare soo gaarin.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya xili Ciidamadda Danab iyo kuwa Dowladda Mareykanka ay dhawaan la wareegeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo sanado badan ay ku sugnaayeen Xarakadda Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here