Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaaladda Garoowe ee Caasimadda maamulka puntland.
Shirka waxaa ka qayb-gelaya madaxweynaha Soomaaliya, Raisul wasaaraha, dhammaan madaxda dowladd goboleedyada iyo xubno ka socda Beesha caalamka.
Qodobada shirkan looga hadli doono waxaa kamid ah amniga Qaranka, dhammasytirka Dastuurka dalka, qaybsiga khayraadka,hannaanka cadaaladda, iyo arrimaha salka u ah khilaafkii hore ee labada dhinac.
Shirka Wadatashiga ee maanta ka furmaya Garoowe ayaa kusoo aadaya iyadoo uu khilaaf ka dhashay sharciga doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya,maamuladda Puntland, Galmudug iyo Jubbland ayaa ka hor yimid sharciga doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

