Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidamadda kenya ay ku leeyihiin Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay Saldhig ku yaala inta u dhaxeysa degmada Mandheera iyo deegaanka Carabiya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka labada dhinac uu saacado socday,islamarkaana la maqlayay hubka culus.
illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah kamasoo bixin khasaaraha ka dhashay weerarka balse warbaahinta Kenya ayaa qirtay in Al-Shabaab ay weerar ka fulisay duleedka Mandheera.

