Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.
Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah u codeynta murashaxiinta u taagan buuxinta labada Xubnood ee ka banaan Guddiga la socodka Dastuurka dalka.
Gudoomiyaha guddiga dastuurka labada aqbal Cabdi Xasan Cawaaale Qeeybdiid ayaa isku soo sharaxay xilka,wuxuna guddoonka ka dalbaday in uu isaga buuxiyo.
Amaanka wadooyinka gala xarunta Golaha shacabka ayaa la adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.

