Dacwadda Loo Haysto Rag Ku Eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo Dib Loo Dhigay

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa saakay dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Mid kamid qareenadda Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa sharaxaya 10-ruux ee lagu tuhmaayo dilkii arxandaradda ahaa ee Caa’isha Ilyaas Aadan.

Intaad kadib Maxkamadda waxay hadalka siisay qareennada eedaysanayaasha balse mid kamid ah qareennada ayaa codsaday in dib loogu dhigo dhageysiga kiiska si ay wakhti iyo xog ku filan u helaan.

Intaasi kadib maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda loo haysto ragga ku eedaysan kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee Caa’isha.

Maxkamaddu waxay sheegtay in mar kale dacwadda la dhegaysan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

February 25, 2019-ka ayay aheyd markii Ala ha u Naxariisree Caasho Ilyaas Adan lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland,waxaana dilkeeda si weyn u qabsaday baraha bulshada.

Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyey Meydka Gabadha,waxayna Saaraakiisha Caafimaadka ee isbitaalka ay xaqiijiyeen in Gabadha la kufsaday islamarkaasna la jirdilay waxaana ugu danbeyn loo dilay si caadi kadib meydkeeda ayaa la soo hor dhigay gurigooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here