Akhriso :-Qodobadda Loogu Hadli Doono Shirka Magaaladda Garoowe

0

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka puntland waxaa maanta ka furmaya shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka ka jira.

Shirkan ayaa lagu waday in uu furmo 2-dii bishaan balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii ay Madaxda labadda dhinac ay magaaladda Garoowe tagi waayeen.

Shalay waxaa Magaaladda garoowe gaaray raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda Jubbaland, Hir-shabeelle iyo koonfur galbeed Soomaaliya,maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in ay gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo), iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Xalay waxaa Magaaladda Garoowe ka dhacay kulamo gooni gooni ah oo u dhaxeeyay Madaxweynaha puntland, raisulwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda.

Shirka ka furmaya Magaaladda Garoowe ayaa loogu hadli doonaa arrimaha siyaasadda, Amniga, kheyraadka iyo arrimaha doorashooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here