Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca boodada loo yaqaan ah oo lagu aasay agagaarka guriga taliyaha ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland ee aagga Galgala Gashaanle sare Cabdiraxmaan Qadaafi.
Saraakiil ka tirsan Maamulka puntland ayaa xaqiijiyay in taliyaha uu ka badbaaday qaraxa,islamarkaana uusan jirin khasaare kale oo qaraxa ka dhashay.
Halka uu qaraxa ka dhacay waxaa sidoo kale ku yaala hoyga Ku-xigeenka Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala.
Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda boosaaso,balse waxaa inta badan sheegta ururka Daacish.

