Kooxo Burcad ah oo Dhac ka geystay Suuqa-bakaaraha ee Muqdisho.

0

Waabarigii Saaka Kooxo hubaysan ayaa waxaa ay dhac baahsan ka geysteen Xarunn ganacsi oo ku taalla dhabarka dambe ee Masjidka Abaa-hureyra ee magaalada Muqdisho.
Burcadda ayaa gudaha u galay Xaruntan Ganacsi oo lagu iibiyo qalabjka dhismaha waxaana ay qaateen Computerro,Taleefanno iyo qalab kale Kooxahan dhaca geystay ayaa waxay Mootada Nuuca loo yaqaanno Bajaajta oo ay ku baxsadeen Markii ay Falka geysteen.
Waxana sida la xaqiijiyey ay ku labbisnaayeen dharka shacabka sida ay Radio Simba u sheegeen qaar ka mid ah dadkii la dhacay.
Markii uu falku dhacay Waxaa goobta gaaray Wariyayaal ka tirsan Radio Simba Muqdisho waxaana ay sheegeen dadkan Saaka dhaca lagulasoo kalahay in arinkaan dhawrmar loo geystay iyagoona maamulka degmada H/wadaag oo maamul ahaan gacanta ku haya goobta uu falku ka dhacay inuu ku fashilmay wax ka qabashada arinkaan oo ah mid dhawr jeer soo laablaabtay.
Waxaa ay sheegeen dadkaan shacabka ah ee saaka la dhacay in aysan garanayn halka ay ka amar qaataan kooxahan Caadeystay dhaca Shacabka.
Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Suuqa bakaraha Kuma cusba in Markaasi loo geysto dhac balse dhjawr mar ayey dhacday Maalin cad in dhac baahsan laga geysto goobahaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here