Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo kadib safar qaatay muddo oo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi uu kula kulmay madaxda Beesha caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Waxa uu sheegay in ay isla garteen madaxda Beesha caalamka in Galmudug la siiyo taageero buuxda haddii aay ahaan laheed dhanka dhaqaalaha iyo amnigaba.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Madaxda Dowlada Federaalka ugu baaqay inay dadka iyo dadka u naxaan waxa uu sheegay in dhawaan shir Garowe lagu qaban doono ayna ka qeyb gali doonaan.
Waxa uu intaas ku daray in dalku uu u baahan yahay badbaado , maadaama marxaladda dalka hadda uu ku jiro ay tahay mid adag.





