Dadkii Dilay,Noloshana ku Gubay Axmed Dowlo oo Dil Lagu Xukumay

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun dil ah ku riday Saddex ruux oo lagu helay kiiskii dilka iyo gubistii sanadkii hore loo geystay Axmed Mukhtaar Saalax (Dowlo).

Dadka la xukumay ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed,waxaana mudooyinkii dambe dacwadooda ay ka socotay xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhanka kale Maxkamadda gobolka banaadir ayaa fasaxday afar ruux oo kiiskaasi u xirnaa, kadib markii la sheegay wax cadeymo ah in maxkamadda ay ku waysay.

Marxuum Axmed Dowlo ayaa 20/09/2018 lagu dilay Xaafadda Towfiiq Degmadda yaaqshid ee Gobolka Banaadir,kadib markii wiil uu adeer u yahay ay isjeclaadeen gabar daris ay ahaayeen,balse waxaa arinkaas ka xumaaday qoyska Gabadha oo goobtiisa shaqada ku dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here