Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid qorshaysnaa ayaa laga sameeyay Xaafadaha Degmadda Shibis,waxaana sidoo kale baaritaano lagu sameynayay gaadiidka dadweynaha.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamadda Booliska ay howlgalka ku qabteen tiro dhalinyaro ah,islamarkaana loo waday dhanka xarunta C.I.D ee Booliska Soomaaliyeed.
Waa howlgalkii seddexaad ee Magaaladda muqdisho laga fulinayo habeenkii seddexaad,labadii habeen aynu soo dhaafnay howlgalo ayaa ka dhacay Degmooyinka Dharkinley iyo Hodan.

