Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyadda kaasi oo ka dhacaya Magaaladda Garoowe 2-da bisha soo socota.
Deni oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda garoowe ayaa sheegay shirka Garoowe looga hadlayo qaabka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada u wada shaqeynayaan, isla markaana magaca shirka uu qaadanayo uusan noqon sida Golaha Amniga Qaranka oo kale.
“Shir kooban oo wadatashi ah ayaa bisha soo socota 2 bisha May ka dhici doona Garowe, shirkaas waxaa rajeynayaa in ramadaanka ka hor inuu noo dhamaado, shirkaas wadatashiga ah, waxaa isugu imaan doona Madaxweynaha dowladda Federaalka, raisul Wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed”ayuu yiri Saciid Deni.

