Shariif:-“Amaanka Wuu Xumaaday Shabaab Dekadda Muqdisho ayay Lacag Ka Qaadaan”,

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Dhexe ee Sooomaaliya.

Shariif ayaa sheegay amniga magaladda muqdisho uu xumaaday,islamarkaana qaabka hadda loo wajahayo sugidda amniga uu yahay mid qaldan.

Waxa uu sheegay in dowladda uu la garab taagan yahay wax alla wixii uu la qaban karo, islamarkaan ay shacabka Soomaaliyeed ay xilligan aad ugu bisil yihiin dowladnimo,islamarkaana  uu balan-qaaday doorashadii kaddib in aanu dowladda wax ka sheegin, aanu dhaleeceyn, hase ahaatee waxaa uu xusay in xaalada dalka ku sugan yahay aan laga aamusi karin.

“Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa in istiraatiijiyadaas dowladda wax ka qabato, dowladda labo sano ayay wax qabanayesay, illaa iyo hadda laguma qanacsana”, ayuu yiri Shiikh Shariif.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here