Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Ceel ku yaalla togga u dhexeeya tuulooyinka Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.
Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay xubno ka tirsanaa Daacish.
Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa sheegay in duqeynta jimcihii halkaasi ka dhacday lagu garaacay malayshiyaad ka tirsan Daacish oo ka dhaansanayey ceel ku yaalla togga Timirshe islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in halkaasi lagu dilay xubno ka tirsnaa Daacish-ta la duqeeyay oo uu xusay in qaarkood degaanka laga yaqaannay inkastoo uusan sheegin tiradooda iyo magacyadooda midna.

