Wararka ka imaanaya Suuqa Bacaad Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay Nin Ganacsade ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dilkaan ayaa ka dhacay Suuq Qandalaha,waxaana fuliyay rag hubeysnaa oo saarnaa Mooto Bajaaj.
Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in dhowr xabadood lala dhacay Ganacsadaha,islamarkaana ragga hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen.
Lama oga sababta ka dambeysay dilka Ganacsadaha,waxaana goobta laga qaaday Meydkiisa.

