Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo barqanimadii maanta qof shacab ahaa ku dilay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, ninka la dilay ayaa Mindi (Toorey), ula soo baxay askar ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Sanca.
Ninka tooreyda ku hubeysnaa ayaa dhaawacay labo askari oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya sida naloo sheegay waxayna taasi keentay in isla goobta lagu toogto.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya In ninka tooreyda ku hubeysnaa madaxa loogu jirey.
Meydka qofka la dilay ayaa goobta laga qaaday waxaana goobta baxsaday askarta ka dambeysa dilka.

