Dad ku Dhintay Qeyb kamid ah dhismaha garoonka Jaamacada oo Dumay+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa ku dhimatay 3-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii uu soo dumay qeyb kamid ah dhismaha garoonka Kubadda cagta Jaamacada ee kuyaala Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha dumay ayaa ah qeybta V.I.P oo ay fadhiistaan Mas’uuliyiinta usoo daawadasho tagta ciyaaraha, waxaana goobtaasi duntay la sheegay in ay ka socotay dib u dhis.

Darbiga qeyb kamid ah Garoonka  Jaamacadaha ayaa horaan sidaan oo kale usoo dumay, mana jirin wax khasaaro ah oo xiligaasi ka dhashay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Degmadda hodan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here