Kulanka Baarlamaanka oo furmay iyo Xildhibaanadda Su’aalo Weydiinaya Mas’uuliyiinta Amniga

0

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka furmay xarunta Golaha shacabka ee magaladda Muqdisho.

154-xildhibaan ayaa kulanka ka qeyb galaysa waxaana shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooomaaliya Maxamed mursal Shiikh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka manta ayaa ah su’aalo weydiinta mas’uuliyiinta hay’adaha amaaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana kulanka ku sugan Wasiiradda Amniga, Gaashandhiga iyo taliyayaasha Ciidamadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan kasta oo su’aal weediinaya masuuliyiinta uu kusoo koobo mudo hal daqiiqo ah, waxa uu sidoo kale masuuliyiinta iyo taliyaasha iyana fursad u heestaan in ay ku jawaabaan 3 daqiiqo kaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here