Eng Yariisow oo Si Kulul Ugu Hadlay Dilka Bajaajle iyo Qof La Socday

0

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaaladda muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa si kulul ugu hadlay dilkii maanta loo geystay darawal mooto Bajaaj iyo qof la socday.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu  kaga hadlay falka dhacay, iyo go’aanka Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiye C/raxmaan Yariisow ayaa fariin u diray shacabka Muqdisho.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loogeystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa. Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay. Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan. Si nabad ah aan shucuurteena u muujino. Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here