Iska Hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka dhacay Isgoyska Baar Ayaan ee Magaaladda muqdisho.
Sida ay inoo xqiijiyeen goobjoogayaal, iska hor imaadkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamadda Booliska iyo kuwa malatariga Dowladda Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in Ciidamadda Malatariga ay doonayeen in ay xoog ku maraan kontoroolka Ciidamadda Booliska ee baar ayaan, taasina laga diiday.
Inta la xaqiijiyay 5-ruux aya ku dhimatay iska hor imaadka ka dhacay Isgoyska Baar Ayaan ee Magaaladda muqdisho.

