Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay wali dhibaatooyin ku hayaan shacabka ku nool deegaanada Jubooyinka.
C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Jubooyinka ayaa sheegay in xili walba kenyaanka ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Jubooyinka.
Waxa uu sheegay in ay kordhiyeen mudooyinkii dambe duqeymaha ay la beegsadaan goobaha shacabka ay ku badan yihiin, balse ay sheegaan in ay duqeeyaan Xarakadda Al-shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Jubbland uu ku fashilmay in uu Dowladda Kenya kala hadlo in la joojiyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ku nool deegaanada jubooyinka.

