War Deg Deg:-Darawal Bajaaj iyo Wiil la socday oo Muqdisho lagu Toogtay

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay Darawal mooto Bajaaj waxa uu ku dilay Magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Holwadaag ee Magaaladda muqdisho,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay falka wiil saarnaa Mootadda.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in askariga u si bareer ah xabadda ugu furay darawalka kadib markii ay murmeen,islamarkaana uu goobta ka baxsaday dilka kadib.

Dhanka kale dhaawaca wiilka la socday Mootadda ayaa la dhigay Isbitaalka Jaamacadda Soomaaliya,Balse daqiiqo kadib ayaa la xaqiijiyay in geeriyooday.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here