Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Kuwa malatariga Dowladda federaalka Soomaaiya iyo kuwa booliska ayaa galabta ka dhacay Xaafadda Maana-booliyo Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay 3-ruux oo mid kamid ah uu yahay askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka.
Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska oo ku sugnaa Kontarool halkaas ku yaalla ay diideen iney halkaas ka gudbaan ciidamo milateri ah oo ka yimid Shabeelaha dhexe.
Booliska ku sugnaa Kontaroolka ayaa sheegay ineysan amar u qabin iney fasaxaan ciidamada milateriga ee doonayey iney ka gudbaan kontarolka, waxaana arintaas ka dhashay ismaan dhaaf sababay in halkaas lagu dagaalamo.
Intuu iska hor imaadka socday waxaa halkaas lagu gubay gaari dagaal uu lahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana lagu dhuftay Bam Gacmeed.
Gaariga ayaa la sheegay in ciidamadda Booliska ay ugu tageen goob gawaarida lagu dhaqo oo ku taala Xaafadda Maana-booliyo Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay uu isaga lahaa,islamarkaana uu kala xisaabtami doono Dowladda Soomaaliya.

