Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Digay Wadamo Soomaaliya Ku Jirto

0

Dowladda mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga dhigtay inay u safraan dalal badan oo caalamka ah isla markaana ay kamid tahay Somalia.

Qoraal kasoo baxay wazaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhalatay dalkaas looga digayo inay u safraan ilaa iyo 35 dal oo ay wazaaraddu sheegtay inay ka jirto qatar fara badan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in waddamadan ay suurto gal tahay in lagu afduubto muwaadiniinteeda.

Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda si qaas ah uga digtay u safrida dalka Venezuela oo ay rabshado ka socdaan, iyo dalka xadka ay wadaagaan ee Mexico.

Dalalka kale ee looga digay muwaadiniinta Mareykanka ayaa kala ah Afghanistan, Colombia, Ethiopia, Haiti, Iran, Iraq, Kenya, Lebanon, Nigeria, Pakistan, Philippines, Somalia, Syria, Turkey, Ukraine, iyo Yemen.

Digniinta Mareykanka ayaa daba socoto afduub haweeney u dhalatay mareykanka loogu geystay dalka Uganda todobaadkii hore, waxaana haweeneydaasi lagu sii daayey lacago madax furasho ah oo gaarayo $500,000.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here