Ciidamadda Dowladda oo Xabsi Dhigay Odoyaal La Kulmay Shabaab+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen tiro odayaal ah oo la kulmay Al-shabaab.

Nabadoon Idiris C/qaadir Ibraahim oo kamid ah Waxgaradka degmadda Baladxaawo oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in odayaasha ay u yeereen Al-shabaab,markii ay dib ugu soo laabteen degmada ay xabsiga u taxaabeen Ciidamadda Dowladda.

Waxa uu sheegay In odayaasha ay shabaab kala hadleen sidii dagaal loogu qaadi lahaa saldhigyadda ay ku sugan yihiin Ciidamadda dowladda soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mar walba Shabaab iyo odayaasha ay kulmi jireen,islamarkaana ay layaaban yihiin go’aanka Maamulka Degmadda Baladxaawo.

Ugu dambeyntii Nabadoon Idiris waxa uu ka dalbaday Maamulka Degmadda Baladxaawo in lasii daayo odoyaasha xiran.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here