War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Holwadaag

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Degmadda Holwadaag gaar ahaan agagaarka Masjidka Macalin Biya maalow oo ku yaala Degmadda.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in miinadda ay dhulka ku aasneed,islmarkaana ay qaraxday,waxaana goobta ku yaala Goobo Ganacsi oo u badan maqaayado laga cunteeyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay labo ruux oo shacab ah oo goobta ku sugnaa sida goobjoogaha uu sheegay,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadda Miinadda wadadeeda dhinaceeda la dhigo ayaa maalmihii dambe kusoo batay magaaladda Muqdisho,waxaana shalay oo kaliyah dhacay ilaa hal qarax oo la kacay gaari uu dhaqtar watay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here