Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmaya shirka Golayaasha Sharcidajinta Dowladda Dhexe iyo Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamulada, Jubbaland , Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hr-Shabeelle,balse waxaa shirka ka maqan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka warbixiyay muhiimadda shirkaan uu leeyahay.
Wuxuu sheegay in shirkan ay ahayd inuu dhaco bilawgii sannadka, balse Puntland oo shirka martigelin lahayd ay ku jirtay arrimaha doorashada guud iyo ugu dambayn dhamaystirka dhimsaha laanta fulinta ee dowladda.
Mahad ayaa sheegay in shirkan looga arrinsan doono macluumaad is-weydaarsiga baarlamaanada iyo sidii looga tashan lahaa tayo kordhinta golayaasha. Wuxuu sheegay in arrimahaas ay yihiin in la isula meel dhigo si wanaagsan inta shirkani socdo.
Wuxuu xusay in sannadkan iyo kan xiga inta badan dowlad-goboleeyadda Jubbaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo xataa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u diyaar garoobaya doorashooyin baarlaman iyo kuwa xukuumadeed, sida qorshuhu yahay.

