Axmed Madoobe:-“Dastuurka Wuxuu Noqday Mashruuc aan Dhamaan”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),ayaa sheegay in dastuurka dalka oo aan heshiis dhab ah laga gaarin  uu qeyb ka yahay  jahwareerka dalka ka jira.

Isagoo ka qeyb galayay shirka arrimaha Dastuurka  oo ka furmay Magaaladda Kismaayo ayuu sheegay in dastuurka uu yahay wax dad ku heshiiyay oo bulsho ku dhaqanto, balse dastuurka qabyada uu weli yahay mashruuc aan dhamaan.

“Dastuurka wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan oo marba meel qolo u wadato wey adag tahay in dowladnimada sal dhigato inay wax ku heshiiso waa adag tahay in is qabqabsiga la daayana waa adkaaneysa, inta Dastuurka uu qabyo yahay sidaas baa dabada isku heysaneynaa, haddaan runta la sheegay oo heshiis dhab ah laga gaarin, haddaan wax dhab ah la helin oo aan la dhameystirin Dastuurka oo wax bulshada ku heshiiso la helin is qabqabsiga ma deyneyno”ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here