Howlgal Xalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho iyo Duleedkeeda

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa ka dhacay Xaafado kamid ah Degmooyinka Hodan,Warta-nabadda, iyo Holwadaag ee Gobolka Banaadir,waxaana inta uu howlgalka socday lagu qab-qabtay dad loo shakisan yahay amnidaradda ka jirta Magaalada.

Dhanka kale Ciidamadda Dowladda ayaa xalay howlgal ka sameeyay Xaafado iyo goobo Ganacsi oo ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka magaaladda.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan sheegay in lasii kordhin doono howlgaladda laga fuliyo Magaaladda Muqdisho,kadib markii shabaab ay kordhiyeen qaraxyadda ay Magaaladda ka geystaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here