Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta howlgal saacado badan qaatay ka fuliyay gudaha Suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyay Masjidka Abuu Hureyra oo kamid ah Masaajida ugu caansan Suuqa Bakaaraha.
Ciidamadda ayaa xiray duhurnimadii maanta Wadada Koowaad iyo Wadada labaad ee Suuqa bakaaraha,waxaana howlgalka Masaajidka laga fuliyay uu dhacay Salaadii casir kadib.
Qof kamid ah jameecadda Masaajidka ayaa inoo sheegay in Ciidamadda dharka cadka ay masaajidka soo galeyn waqti hore,islamarkaana ay baaritaano waqti badan qaatay ku sameeyeen Qolalka Masaajidka uu leeyahay,islamarkaana markii salaadda casir laga baxay kadib uu howlgalka soo dhamaaday.
Ciidamadda ayaa sidoo kale ka xeystay markuu howgalka soo dhamaaday Imaankii Masjidka Macalin C/raxmaan Guurre,kaasi oo salaadda casir Tujiyay Jameecadda masjidka.
Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa in howlgal laga fuliyo masaajidka Abuu Hureyra.
Dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay goob walba ay holwgal ka sameyn doonaa Magaaladda muqdisho.

