Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa mar kale weerar afka ah ku qaday Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Dowladda kasoo horjeeda.
Waxa uu sheegay in hadii Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta ay ka qeyb gali lahaayeen Maalintii jimcihii orodkii Gaabnaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho inaysan dhici laheyn waxii ka dhacay Sabtidii xarunta baarlamaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jireen wasiiro ka qeyb galay orodka,balse kuwii aan ka qeyb galin ay sabtidii wax aan wanaagsaneen ka sameeyeen xarunta Golaha shacabka.
Ugu dambeyntii Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in dalkaan looga baahan yahay xasilooni siyaasadeed, islamarkaana siyaasiyinta laga doonayo inay ogaadaan in Amniga dalka uu yahay kaalinta koobaad oo aan laga gorgortami karin.

