Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal waqti badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxa uu ugu dhacay Xaafadda Daaroole oo ku taalla Ceelasha biyaha,waxaana intii uu socday lagu qabtay keydkii hubka Al-shabaab ay aaseen, iyo dagaalyahano la sheegay in ay ka Tirsan yihiin Al-shabaab.
Hubka lasoo qabtay ayaa isugu jirey hoobiyeyaal iyo miinooyin fara badan & Suumanka loo adeegsado Qaraxyada Al-shabaab ay fuliyaan.
Zakia Huseen Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo warbaahinta ugu warbixisay howlgalka ayaa sheegtay hubka la soo qabtay inay ka dhigan tahay kaydkii ugu waynaa hub ee Shabaab leeyihiin oo dowladda ay gacanta ku dhigtay.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in Shabaab ay doonayeen in hubka ay ku dhibaateeyeen shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana Dowladda ka hortagtay.








