Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan kaabiga ku haya xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Deegaanka Shabaab ay la wareegeen ayaa lagu magacaabo Dag caday waxaana mudooyinkii dambe ku sugnaa Ciidamadda Maamulka Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan Shabaab oo la hadlay warbaahintooda ayaa sheegay in haatan ay ku sugan yihiin deegaanka,islamarkaana ciidamadii Jubb-land isaga baxeyn.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbland oo loogu hadlaayo sheegadda Shabaab.

