Wararka ka imaanaya Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in xaafadd kamid ah degmadaas saakay lagu arkay Haweeney meyd aheyd.
Meydka Haweeneyda ayaa lagu arkay Xaafadda Ceel Xirka dheere, ee degmada Kaaraan.
Dadka deeegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in ay salaaddii subax arkeen Maydka Haweeneyda waxa ay ii sheegeen in rasaas ay kaga yaaleen qeybaha sare.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Haweeneyda ay ka shaqeyn jirtay Suuq lagu iibiyo Xoolaha oo ku yaal xaafada Ceel Xirka dheere ee degmada Kaaraan.

