Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Mudqisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah su’aalo weydiinta Wasiiradda Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xoogga, Booliska iyo Hay’adda nabadd Sugidda.
Gudoonka ayaa xubnahaan u yeeray maalintii khamiistii,kadib markii mooshin u yeeris ay ka keeneen qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in amniga Magaaladda Muqdisho uu faraha ka baxay.
Ajendaha amniga ayaa buuq badan ka dhex dhaliyay Xildhibaanadda waxaana u baaqday labo kulan oo Xildhibaanadda ay yeelan lahaayeen.

