Gudoomiye Yariisow:-“Ma La Aqbali Karo in Dhalinyaradda Bajaajka Loo Geysto Dil”,!

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa si kulul ugu hadlay askari ka tirsan Ciidamadda Minishiibiyadda Dowladda Hoose oo barqanimadii maanta Darawal Bajaaj ku dilay Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Buundada Ansalooti Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yariisow oo muuqaal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in  Maamulkiisa uusan aqbali karin in la dilo Darawaladda Bajaajka oo habowle u ah Hormarka Caasimadda ee Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay Hay’adaha amaanka In ay gacanta kusoo dhigaan askariga dilka geystay.

“Ma la aqbali karo in dhalinyarada Bajaajka wada oo halbowle u ah horumarka Caasimada dalka loo geysto dil, waxaan amray Hay’adaha Amniga inay soo qabtaan askariga Munishiibiyo ee falkaas waxashnimada geystay”, ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here