Dowladda oo Sheegtay in Howlgal Lagu Burburiyay Xarun Al-Shabaab Lahaayeen

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidamadda amaanka ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha hoose lagu burburiyay Saldhig Shabaab ay ku lahaayeen Gobolkaas.

Qoraal kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay  Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

“Howlgal qorshaysan oo Ciidamada amnigu fuliyeen habeenimadii 29-ka Bisha Maarso ayaa lagu burburiyay Saldhiga  Al-Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Bariire ee Gobolkaasi.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa lagu soo xiray Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,waxaana inta ay ciidamada howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen qalab dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab,kuwaasi oo ay u isticmaali jireen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, ma jirto waxyeelo soo gaartay Ciidanka amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka howlgalka laga fuliyay ku sugnaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here