Howlgal Nooc Cusub ah oo Ka Bilaaban Doona Magaaladda Muqdisho!!

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray Xaaladda amaanka magaaladda muqdisho oo maalmihii dambe ay ka dhaceyn qaraxyo ay geysteen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo caawa shir Jaraaid ku qabtay Magaladda Muqdisho ayaa sheegay in xaalad amni oo la geliyey Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha inta xaaladda amni lagu jiro la fulin doono howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto.

“Ciidanka Booliska waxay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka waxaa la xiri doonaa dhammaan waddooyinka, Xitaa waddooyin hadda furan waa la xirayaa, dadka liita sida waayeelka iyo naafada waxay dowladda ku qaadi doontaa baabuur ay iyada diyaarisay oo magaalada ka dhex-shaqeyn doono, dadka xoogga lehna way lugeyn doonaan.” ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa shacabka Magaaladda Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka inta uu howlgalka socdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here