Waxaa is bedel cusub lagu sameeyay Hoggaanka Taliska Ciidanka xoogga dalka, iyadoo la baabi’iyay xilkii Abaanduulka oo ka mid ahaa xilalka ugu waa weyn ee Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu bixin jiray qaabka awood qeybsiga.
Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.
Abaanduulihii hore ee CXD General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.
Sidoo kale Admiral Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda.

